The most common reasons for Australian citizenship refusals

Over 4,000 migrants were refused Australian citizenship last year. Here are some of the most common reasons that can have your citizenship application knocked back.

Australian Passport

Source: Getty Images

ISagar Shah wuxuu ku dhashay Hindiya wuxuuna ka mid yahay 4 kun oo soogalooti ah oo loo diiday dhalashada Australia sanadkii lasoo dhaafay.

Inkastoo uu buuxiyay dhamaan sharuudihii laga rabay inuu ku qaato dhalashada Australia markuu buuxiyay arjiga December 2012. Arjigiisii waa lasoo diiday sababo la xariira wax uu sameeyay markuu xareeyay kadib.

Mr Shah ayaa u safray Hundiya bishii maarso 2014 kumana soo laaban Australia 3 sano. Wasaarada socdaalka iyo difaaca xadka ayaa ku salaysay diidmada inuusan ninkan ku talo jirin inuu Australia sii joogo ama uu xiriir joogto ah lasii yeesho Australia.

Sida uu sheegayo  Mitch Simmons oo ka tirsan shirkada qareemada Tern Lawyers, araaji badan sababtan laguma diido.

Inkastoo wasaarada arimaha gudaha ay sheegtay inaysan bixinayn tirada dadka loo diiday dhalashada sanadkan 4,151 araaji codsi dhalasho ayaa la diiday sanadkii 2016-2017.

Dadka loo diiday dhalashada 1,866 ka mid ah waxay ku dhaceen imtixaankii dhalashada. Inta kalana waxaa la waayay wax cadaynaya haybtoodaa ama aqoonsiyi, kuwa kalana waxay ku dhaceen baaritaanka danbiyada iyo qaar ku lug lahaa kooxo xagjir ah.

Sababaha ugu badan ee dadka loogu diido dhalashada ayaa ah inaysan cadayn cida ay yihiin iyo inay danbi lagu helay ama loo haysto.

Ganaax gaari wadid laguugu gooyay waa laguguugu diida karaa dhalshada.

Sanadkii lasoo dhaafay, Ritnesh Kumar waxaa looga guulaystay racfaan uu ka qaatay wasaarada socdaalka go'aan ay ugu diiday dhalashada maadaama uu galay danbiyo xaga gawaari wadida ah oo badan.

Taariiqdiisa gaari wadida ayaa waxaa ka muuqda in ganaaxyo badan loo jaray intii u dhaxaysay december 2007 ilaa Maarso 2015 iyadoo ganaaxyadaas ay ka mid ahaayeen inuusan raacin amarada samfarayaasha,inuu xawaare dheer ku waday gaariga iyo inuu waday isagoo laga joojiyay inuu gaari wado.

Mr Kumar,oo muwaadin Fiji ah ayaa la ganaaxay 500 oo doolar waxaana laga joojiyay inuu gaari wado mudo 3 bilood ah laakiin wuxuu ku guuldaraystay inuu sidaas ku sheego arjiga dhalashada uu ku dalbaday december 2015.

Go'aankii hore ee wasaarada socdaalku ugu diiday ayay maxkmada racfaanku ayiday.

Isbadalada dawladu doonaysay inay ku samayso sharuucda qaadashada dhalashada dalka.

Sanadkii lasoo dhaafay dawlada ayaa ku dhawaaqday inay isbadal balaaran ku samaynayso sharuucda qaadashada dhalashada iyadoo la kordhinayo waqtiga la sugo oo hal sano ah lagana dhigo 4 sano iyo iyadoo imtixaan luqada englishka ah oo gooni ah.

Dawlada ayaa lagu qasbay inay hakiso isbadaladaas kadib markii aqalka Senatku diiday inuu ansixiyo kadib markii Greenka iyo Laborka iyo xisbiyada yaryar ay isugu tageen.

 


Share
Published 30 October 2018 1:33pm

Share this with family and friends